5ta Nidaam Linux ee ugu sareesa Sanadka 2017

0 332

Sanadka 2016 – 2017 waxaa si wayn usoo ifbaxayay tartanka ka dhaxeeya Nidaakyada ku shaqeeya Linux, sidaa darteed waxaa aad inoogu culus in aan xulanno midka ugu wanaagsan, balse waxaan idiin soo xuleenaa 5ta Nidaam ee ugu wanaagsan Sanadkan 2017.

 

F G : Tartiibka nidaamyada kama dhigna in midka ugu fiican lasoo hormariyay, balse waxaan ku qiimeenay hadba Nidaamka shaqooyinka uu qabanaayo.

 

5. elementary OS

Hadii aad tahay mid raadinayay Nidaam baddali karo Nidaamka Windows-ka ama Mac Nidaamkaan ayaa kugu haboon in aad isticmaasho, waxaadna ka heli kartaa dhamaan agabka aad ubaahantahay sida agabyada muuqaalada lagu daawado, qoraalada lagu tafatiro, sawirada lagu qurxiyo & agabyada lagu daalacdo Shabakadaha, sidoo kale Nidaamkaan waxuu aqbalayaa in aad ku isticmaasho luqada Carabiga.

Kadajiso Nidaamka Webkiisa rasmiga ah.

4.Arch Linux

Hadii aad tahay qof billaw ku ah Nidaamyada Linux waxaan kugula talinayaa in aad isticmaasho Nidaamka Arch Linux, maxaa yelay waa Nidaamka ugu sahlan ee aad kasoo gali karto Caalmka Linux.

Kadajiso Nidaamka Webkiisa rasmiga ah

3.Fedora

Nidaamka Fedora 25 waa midka mid ah Nidaamyada ugu caasan sanadka 2017, hadaad dooneeso in aad isticmaasho waa in Ramka Computerkaaga uusan kayaraan 4GB sidaa darteen kuma talinayo Fedora 25 loo isticmaalo Computer-da daciifka ah, Isticmaalaha nidamkan uma baahna agabyada lagu isticmaalo Windows-ka maxaa yeelay dhamaan waxay kuwada jiraan Nidaamka.

Kadajiso Nidaamka Webkiisa rasmiga ah

2.Ubuntu

Waan hubaa in inbadan oo idinka mid ah ay maqleen ama isticmaaleen NIdaamkan Ubuntu waana mid kamid ah Nidaamyada ugu muhiimsan Linux uguna horeeyay si guud, waxuuna uga duwanyahay inta badan Nidaamyada kale in uu yahay mid lafududeeyay isticmaalkiisa khaladaadkiisana yaryihiin.

 

Kadajiso Nidaamka Webkiisa rasmiga ah

1.linux mint

 

Kaalinta 1aad waxaa inoogu jiro Nidaamka caanka ah ee linux mint oona noqotay midda ugu sahlan Nidaamyada, Isticmaalayaasha Nidaamkaan ayaa ku qiimeeyay in ay tahay mida ugu wanaagsan Nidaamyada Linux mana jirto illaa hada qof ka sheeganaya nidaamka ama wax ceeb ah ay isticmaalayaasha ku dhaliileen, Waxyaabaha uu ugu soocanyahay Nidaamyada kale ayaa ah in uu yahay mid uu xawaarihiisu sareeyo xattaa in lagu isticmaali karo Computer aanan laheen awooda dhanka CPU & Ram.

 

Kadajiso Nidaamka Webkiisa rasmiga ah

F.G : Maqaalkan kuma aanan soo xusin inbadan oo Nidaamyada kamid ah taana macnaheeda ma aha in aysan wanaagsaneen Nidaamyadaas, balse waxaan wax ku dhisanay qiimeen la sameeyay sanadkaan, wxaana suura gal ah in la cusbooneesiiyo qiimeenta ayna soo kaalmha kusoo baxaan Nidaamyada kale.

 

Comments
Loading...
%d bloggers like this: