Facebook ayaa wajahaysa caqabad cusub

600

Waxay u muuqataa in dhibaatooyinka Shabakadda Bulshadda ee Facebook uusan dhammaan doonin waqti dhaw, khasaare wayn ayaa soo gaaray usbuucii la soo dhaafay suuqa saamiyada ka dib markii lagu dhawaaqay natiijooyinka kama danbeesta ah, waxayna u muuqataa inay dhalin doonto arintaan kala qaybsanaanta guddiga maamulka iyo saamileyda.

Wakaaladda Wararka ee Caalamiga ah ee “Reuters” ayaa tilmaameysa in mid kamida ah saamileyda shirkadda Facebook ee loo yaqaan “James Kakoris” uu soo gudbiyay dacwadihii ugu horreeyay ee ka dhanka ah agaasimaha Facebook “Mark Zuckerberg”  Sidoo kale David Weiner oo ah Agaasimaha maaliyadda ee shirkadda ayaa lagu eedeeyay inuu been ka sheegayo oo uu marin habaabinayay tirada macaamisha iyo tirade dadka isticmaala, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee maaliyadeed ee saddexda bilood ee sannadkan.

Arinta layaabka leh ayaa ah in dacwadd oogaha uu isku dayayo in uu samaysto isbahaysi saamileyaal ah si ay u soo gudbiyaan dacwad si loo dhimo khasaarihii ugu dambeeyay ee Facebook, Tanina maaha mid ka qarsoon saamileyda shirkadaha waaweyn ee Maraykanka, sida laga soo xigtay Reuters, Inkasta oo falanqeeyayaasha ay sheegaan inay tahay rabitaan ah in la yareeyo awoodda Mark Zuckerberg, oo si buuxda u maamula shirkadda.

Waxaa la sheegay in shirkadda Facebook ey khasaartay Maalin gudaheeda in kabadan $ 120 bilyan,  waana khasaarihii ugu weyn ee taariikhda shirkadda.

Bahda Shabakadda EnG YaSiN

Comments
Loading...
%d bloggers like this: