Sharax Sawiran || Baaritaanka Faylasha wata Virus-ka anagoo adeegsaneena Website-ka VirusTotal

581

Assalaamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakaatuh.

Insha allah Mawduucan waxaan uga hadli doonaa sida loo hubiyo Caafimaad qabka Faylasha iyo Barnaamijyadda ka hor inta aadan lasoo dagin & kadib markaad ladagtaba, annagoo adeegsan doonna website-ka caanka ah ee VirusTotal.

Shaqada uu inoo qabanayo webkaas ayaa ah in aan faylasha ku baarno in ay wataan virus ama Patch-ka loo adeegsado in Computers-ka lagu Jabsado.

Waxaa lawada ogyahay in qaar ka mid ah Anti Virus-yada aysan haysan awoodda ay ku ogaan karaan fayraska ama Patch-ka kaasoo lagusoo dhex qariyo Faylka aad la dageeso/dagtay.

Laakiin anaggoo adeegsaneena Website-kaan insha allah waxaa inoo suura galeesa in aan ka ilaalino Computerkeena & macluumaadkeena xatooyo ama in la Jabsado.

——————————————————–

Ugu horreyn waxaan furanaa boggaAnagoo Gujineena Dabinka Hoose

http://www.virustotal.com

Waxaa kuusoo muuqanaya Wajiga hore ee Bogga sida kaaga muuqata Sawirka Hoose

  1. File : Waxaad isticmaali kartaa markii aad rabto Fayl aad lasoo dagtay in aad Hubiso.

Soo Dooro Faylka aad rabto in aad hubiso.

Markuu dhameeyo Upload gareenta kadib waxuu kuusoo bandhigayaa Warbixin ku saabsan Faylkaada.

Sida ka muuqata Warbixinta Faylka waxaa la marsiiyay inka badan 50 Anti Virus waxna lagama helin, Taasoo macnaheedu tahay in Faylka uu ka bad qabo Virus.

 2.URL:Waxaad isticmaali kartaa markii aad rabto in aad hubiso Fayl aadan Dagsan/Download-gareen.

Godka waxaad galineesaa Dabinka/Link-ga faylka aad dooneyso in aad hubsato kadibna Scan Guji.

Sidoo kale waxaa kusoo baxaya Warbixin ku saabsan Faylkaas.

Haddii faylaas uu yahay mid wata virus waxaa kuusoo bixi doona natiijadan oo kale.

Isma Dhaafno….

Comments
Loading...
%d bloggers like this: