Sidee Google u awooday in ey ilaaliyo xogta 85,000 oo shaqaale ah ayasoo isticmaaleesa USB Key !

339

Ma qiyaasi kartaa sida ey noqon karto Farxada Hackers-ka hadey usuura gasho in ey khiyaanaan mid kamid ah shaqaalaha Shirkadda Google si ey uga xadaan Xogtooda, sax? Google ayaduba wey ogtahay, sidaa tarteed Google waxey mar walba ku dadaalaan ilaalinta Xogahooda.
Talaabooyinka ugu muhiimsan ey sameeyeenna maaha dhanka Barnaamijyada la isku ilaaliyo balse waa in ey isticmaalaan USB Key kaasoo ey u isticmaalaan Hubinta Xogahooda.

Google wuxey bilawday isticmaalka furayaasha USB sanadkii 2017.
Tan iyo markaas, waxa ay ku dadaashay inaanan laxadin mid ka mid ah xogta shaqaalahooda kuwaasoo tira ahaan gaaraya 85,000 oo shaqaale ah.
USB-gan ayaa shaqadiisa tahay in uu hubiyo isticmaalaha kadib markii uu galiyo Password-kiisa halkii markii hore ey aheed in Fariin SMS ah loogusoo diro Mobile-kiisa.

Dabcan, USB-gaas waa mid la helo oo lasoo iibsan karo, Google waxey kuga talineesaa in aad isticmaasho USB-ga si aad uga ilaaliso xogtaada in la xado, wakiil uhadlay Google ayaa xaqiijiyay in shirkaddu aysan wax weerar ah la kulmin shaqaalaheeda tan iyo markii la bilaabay isticmaalka USB-ga.

 

Bahda Shabakadda EnG YaSiN

Comments
Loading...
%d bloggers like this: