Telegram ayaa daaha ka qaaday cida ku lug leh weeraradii “DDoS” ee lagu qaaday Server-dooda.

194

Labadii maalmood ee la soo dhaafey, Barnaamijka Telegram ee la iskula xiriiro waxaa lagu soo qaaday weerarka loo yaqaano Denial of Service Attacks kaasoo loosoo gaabsho DDoS.

Weerarkaa ayaa sababay in dad badan oo daafaha caalamka kala jooga isticmaalana adeegaas ey ku xirmi waayan Serverada Shirkadda, arintaas ayaana dhalisay muran badan, taasoo keentay in mid ka mid ah aasaasayaasha Adeega ahna agaasimaha fulinta ee Shirkadda Telegram “Pavel Durov” uu muujiyo xaqiiqooyin muhiim ah oo ku saabsan Weerarka, sheegayna in weerarka ka loogasoo qaaday wadanka Shiinaha.

Pavel Durov ayaa tilmaamay in weerarka DDoS uu ahaa mid aad u xoogan islamarkaana cinwaanada e-mailka ee la kormeeray ay ahaayeen kuwo laga leeyahay Shiinaha, Agaasimaha Fulinta ee Telegram ayaa kusii daray in weerarka uu xiriir la lahaa dhacdooyinkii siyaasadeed ee ka dhacay gobolka Hong Kong.

Comments
Loading...
%d bloggers like this: