Waa maxay farqiga u dhexeeya 32-bit iyo 64-bit-processor?

742

Waxaa jira waxyaabo badan oo maskaxda lagu hayo marka aad iibsanayso kombiyuutar cusub.
Waxaan raadineynaa RAM & HDD xajmigooda weynyahay, processor, GPU … Laakiin marka ay timaado doorashada nooca processor, waxaan doorbideynaa 64-processor ah, Dhab ahaantii, dadka intooda badani waxay doonayaan kombiyuutarka 64-bit ah iyagoo aan ogeyn waxa micnaheedu yahay 64-bit iyo waa maxay farqiga u dhexeeya 32-bit iyo 64-bit?

Way fiicantahay in aad ogaato ereyo badan oo la isticmaalo maalin kasta. Maqaalkani ayaanu kaga hadali doonnaa farqiga u dhexeeya 32-bit iyo 64-bit.

Farqiga u dhexeeya 32-bit iyo 64-bit-processor

Marka aad iibsanayso Opeting System, barnaamijka, ama Game, waxaad u baahan tahay inaad agaato nooca processor-kaaga 32-bit iyo 64-doorasho lmidka uuyahay, Haddii aad tahay qof isticmaala Windows, waxad horay u aragtay Folders kala ah
Program Files (x86) & Program Files .

Program Files waxaa loo isticmaalaa si uu u kaydiyo DLL faylasha 64bit-ka ah, sidoo kale Program Files (x86) waxaa loo isticmaalaa in lagu keydiyo DLL faylasha 32-bit.

Si loogu duubo window 64-bit ah, waxaad u baahan tahay processor 64bit ah oo awood u leh inuu ku shaqeeyo windows 64-bit ah.
Faa’iidooyinka isticmaalka nidaamka 64-ka ah ee windows-ka ayaa aad waxtar u leh markaad haysato RAM weyn uu ku jiro kombuyuutarkaaga 4 GB RAM ama ka badan.

Kombuyuutarka oo ku jira 64-bit wuxuu ku shaqeen karaa barnaamijyo 32 bit ah halka Kombuyuutarka oo ku jira 32 bit uusan ku shaqeeneyn barnaamijyada 64 bit-ka ku dhisan.

Bahda Shabakadda EnG YaSiN

Comments
Loading...
%d bloggers like this: