Waa maxay farqiga u dhexeeya wordpress.org iyo wordpress.com?

566

Qaar badan oo naga mid ah ayaa isweydiiya sababta ey u sameyn kari waayeen ama sababta ey u arki waayeen ikhtiyaaraatkaas gaarka ah, sababta ayaana ah in eysan isticmaaleen dadkaasi WordPress dhab ah balse ey isticmaalayaan kaliya wordpress.com, hadduu alle idmo maanta waxaan halkaan ku faahfaahin doonaa farqiga u dhaxeeya wordpress.org & wordpress.com.

wordpress.com waa adeeg bilaash ah oo loogu talagalay blogs iyo bogag bilaash ah waxeyna leedahay faa’iidooyin iyo faa’iido daro.

Faa’iidooyinka:

1. Waxaad sameesan kartaa Website adigoo ubaahan wax installation ah.ama Scripts .
2. Waxay ku siineysaa boqolaal Template-yo qurxoon oo aad si sahlan u habeyn kartid shirkaddaada, blog, profile iyo kuwo kale.

Ceebaheeda.

1. Uma habeyn kartid boggaaga sidaad rabto.
2. Kuma rakibi kartid Plugins-ka ugu muhiimsan.

wordpress.org: waa bogga rasmiga ah ee bulshada WordPress, waxaan ka soo dejisan kartaa barnaamijka WordPress, iyo sidoo kale waa kaydka rasmiga ah ee Plugins-ka, Template-yadda & waxyaabo kale.

1. Si buuxda ugu raaxeyso xakamaynta naqshaddaada.
Tani waxay ka dhigan tahay in aad WordPress ku rakibi kartid Template walba oo aad rabto ama waxaad u sameesan kartaa Template cusub adigoo isticmaalaya PHP iyo CSS.
2. Waxaad ku xiran kartaa Adeega VaultPress.
3. Waxaad dooran kartaa kumanaan Plugin ey kamid tahay Jetpack.
4. Waxaad caawimaad ka heli kartaa WordPress oo adigoo umaraayo Forum-ka Caawinta.
5. Horumar joogto ah iyo casriyeyn.

Intaa ayaan idiin soo xulnay waxaanna rajeenaynaa in aad ku fahmi doontaan insha allah.

Bahda Shabakadda EnG YaSiN

Comments
Loading...
%d bloggers like this: