Wax ka baro nidaamka Tails

610

Tails waa nidaam kudhisan Linux, oo ujeedkiisu yahay in lagu ilaaliyo Xogaha dadka isticmaala.
Si ka duwan nidaamyada kale way fududahay in lagu duubo kombiyuutarka mana isticmaalaayo Khayraad / Resource badan, sidaa darteed ayay ufudaatay isticmaalkiisa.

Mid ka mid ah sifooyinka ugu muhiimsan waa inuusan ka tagin wax raad ah oo ku saabsan waxqabadyada isticmaalaha kombiyuutarka, Shaqooyinkaasna waxaa si kumeel gaar ah loogu keedinayaa RAM-ka oo laguma keedinaayo HDD-ga, sidaas darteed dhammaan macluumaadka waa la tirtiraa marka aad damiso kombiyuutarka.

Waxayna encryption kusameeneysaa dhamaan fariimahaaga, ayadoo adeegsaneysa hababka ugu dambeeyay ee encryption.

Tails Waxay wadataa dhowr qalab oo horay oo lagusoo dhex dhisay, oo ay ku jiraan browserka caanka ah ee Tor kaas oo ilaaliya aqoonsigaada xiliyada aad booqaneeso shabakadaha internetka ee xanniban iyo waxyaabo kale

Si aad uxaqiiqsataan Warkaan lataliyahii hore Amniga Mareekanka Edward Snowden ayaa doortay Tails, maxaa yeelay wuxuu hubaa in uu ahaa mid ka mid ah nidaamyada ugu nabadgelyo badan. Tan waxaa xaqiijiyay NSA

Bahda Shabakadda EnG YaSiN

Comments
Loading...
%d bloggers like this: